|
Baydhabo,(insidesomalia.org)-Wasiirada taageersan Nuur Xasan Xuseen Nuur Cadde ayaa ku sii qul qulay magaalada Baydhaba si ay u iibsadaan xildhibaano badan oo ka tirsan Barlamaanka Dowladda Federaalka KMG ah ee Soomaaliya oo iyagu ku nool marka qilaafka ka dhex aloosmo Madaxweynaha iyo wasiirkiisa koowaad, kuwaas oo ka sameeyo dhaqaalo badan.
Wasiirda taageersan o xiligaan ku sugan Baydhaba ayaa kala ah Wasiirka Amniga ahan wasiirka arimaha gudaha, iyadoo la sheegay kuwa kalana in ay soo galayaan maalinta bari ah.
Qul qulka wasiirada taageersan Nuur cadde ee Baydhaba ayaa ku soo aaday xili uu jiro qilaafweyn soo kala dhex galay Madaxweynaha iyo wasiirkiisa koowaad, taasoo sida muuqata kala qeybisay Barlamaanka iyo wasiiradaba .
Dhanka kale xildhibanada jooga Baydhaba ayaa iyaguna ku kala qeybsan qilaafka soo kala dhaxgalay labad Masuul, iyadoo qof waliba taagereyso fikirka markaa ay la jirto.
Kulankii maanta ee Barlamaanka ayaa siweyn loogu kala qeybsamay, iyadoo qolo waliba ay soo diyaarisay laba mooshin oo iska soo horjeeda oo ah in xilka laga wada xayuubiyo Madaxweyne Yuusuf iyo Nuur cadde
|